Hiiraan Online
12/21/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2024
Midowga Afrika oo soo dhoweeyay heshiiskii ay Ankara ku gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya
Jimco, December, 13, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Maxamed ayaa soo dhaweeyay heshiiskii ay madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga si loo dhameeyo khilaafkii labada dal ka dhex aloosnaa, kaas oo ku saabsanaa heshiiskii Somaliland ay la gashay Itoobiya.
“Gudoomiyuhu waxa uu soo dhawaynayaa war-murtiyeedkii kasoo baxay wada hadaladii ka dhacay Ankara ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed dhexmaray, ee uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Gudoomiyaha Midowga Afrika.
Waxa uu Gudoomiyaha Midowga Afrika ku boorriyay labada dal inay dhaqan-geliyaan tallaabooyinka lagu heshiiyay si aan dib u dhac lahayn.
Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa heshiiskaan gaaray Arbacadii kadib wada-hadallo uu Turkigu dhexdhexaadinayey oo ka dhacay magaalada Ankara, kaasoo muujinaya horumar laga gaaray xalinta isfaham waaga labada dal.
Xiisada u dhaxeysay Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareereysay kadib markii la sheegay in Itoobiya iyo Somaliland ay horraantii sanadkan kala saxiixdeen heshiis dhigaya in Itoobiya ay hesho Marin badeed iyo saldhig si ay Somaliland ugu aqoonsato dal madax banaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaasi uu yahay mid sharci darro ah.