9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2024
SSC Khaatumo oo Somaliland ku eedaysay in ay colaad ka hurinayso gobolka Sanaag
 

Talaado, Agoosto, 27, 2024 (HOL) - Warsaxaafadeed kasoo baxay Maamulka SSC Khaatumo ayaa lagu sheegay ciidamada Somaliland ay dad shacab ah ku laayeen magaalada Ceerigaabo iyo degmada Goof.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay magaalada Ceerigaabo xalay ku dileen nin lagu magacaabi jiray Salmaan Aadan Cabdi, oo ganacsade ah, kadibna ay dad ka mudaharaaday dilka ganacsadaha ku laayeen degmada Goof.

SSC Khaatumo waxa ay sheegtay in arrintani ay daba socotay kadib safarkii uu Madaxweyne Biixi ku tagay gobolka, iyaga oo sheegay in ay isha ku hayaan xaalada isla markaana ay is-difaaci doonaan.

"Maamulka SSC Khaatumo sinaba uguma dulqaadan doono gardarooyinka cad cad ee ka socda Ceerigaabo, daan-daansiga colaad hurinta ah, iyo gardarada ka imanaysa argagixisada Somaliland" ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Maamulka SSC Khaatumo.

Warsaxaafadeedka Waxa uu intaa raaciyay in ciidamada Somaliland ay dad ku laayeen degmada Goof, iyaga oo sheegay in dhacdadani ay daba socotay kadib safarkii uu dhawaan gobolka ku tagay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo sheegay in uu Biixi gobolka ka hurinayo colaad.

Hoos Ka akhriso Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Maamulka SSC Khaatumo:-