9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2024
Puntland oo magaalada Garowe ku qabatay dad loo haysto inay katirsan yihiin Alshabaab
 

Talaado, Agoosto, 27, 2024 (HOL) - Hay’adaha ammmaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay ku dhawaad 10 qof oo la sheegay inay katirsan yihiin kooxda Alshabaab, kuwaas oo laga qabtay gudaha magaalada Garowe, sida HOL u xaqiijiyay sarkaal amni.

Raggaan ayaa la qabtay kaddib markii hay’adaha sirdoonka Puntland ay heleen macluumaad ku saabsan in shabakad katirsan Alshabaab ay magaalada Garowe usoo safreen, si ay qaraxyo uga gaystaan magaalada Garowe  iyo meelo kale oo katirsan deegaanada Puntland.

Sarkaalka aan xiganay oo diiday in magaciisa la xuso ayaa inoo xaqiijiyay in todobo qof la xiray, Kaddib markii lagu qabtay kantaroolka galbeed ee Garowe.  Wararku waxay sheegayaan in mid kamid ah raggaan oo isku dayay inuu baxsado ay ciidamadu dhaawaceen.

Hay’adaha amniga Puntland weli kama hadlin qabashada raggaan. Maalmo ka hor saraakiisha amniga iyo maamulka gobolka Nugaal ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo bixiyay digniin ah inaan  guryaha laga kirayn dadka aan la aqoon.

Afar bilood ka hor laamaha amniga Puntland ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay dhowr qof oo isugu jiray rag iyo dumar, kuwaas oo la sheegay inay agab milatari u wadeen Shabaabka ku sugan buuraha Galgala.