9/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2024
Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya oo beeniyay in deegaankooda laga helay kiisas cudurka Furuqa ah

Talaado, Agoosto, 27, 2024 (HOL) - Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in cudurka Furuqa Daanyeerka (Monkeypox) laga helay qoys ku nool halkaas .

Saraakiishu waxay caddeeyeen in walaac dhawaan laga qabay hal qoys oo ka kooban lix qof iyo laba qof oo kale in la baaray oo laga helay cudurka busbuska, balse uusan ahayn cudurka Mpox.

Dawladdu waxay ku boorisay dadka faafinaya wararka been abuurka ah inay ka waantoobaan abuurista argagaxa dadweynaha.

Dhinaca kale, Wasaaradda Caafimaadka Jabuuti ayaa si lamid ah  afar maalmood ka hor  waxay xaqiijisay in uusan jirin kiisas la xaqiijiyey oo ah cudurka 'Mpox' oo laga helay Jabuuti.

Mpox, cudur fayras ah oo asal ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo 1970, waana cudurka ku faafa taabashada iyo hawada.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa xustay in cudurkan lagu eegtay gobollada qaar, iyadoo sheegtay inuu yahay cudur halis badan.