7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 27, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya qarax Muqdisho lagula beegsaday Taliye ka tirsan NISA

Arbaco, September, 27, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso oo la dhigay wadada dhinaceeda, gaar ahaan wadada dheer ee aada halka loo yaqaano Guutaale.

Qaraxa miinada ayaa lala eegtay gaari uu watay Taliyaha Nabadsugida degmada Dayniile Cabdiraxmaan Cali Waqooyi, kasoo la xaqiijiyay inuu ka badbaaday qaraxaas.

Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku geeriyootay qaraxa miino oo mid ka mid ah uu yahay askarta ilaalada u aheyd taliyaha qaraxa lala eegtay, waxaan ku dhaawacmay laba ruux oo shacab ah sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa miino ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay mudo kooban dhaqdhaqaaqa iyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadada laamiga ah ee uu qaraxa ka dhacay, waxaana qaraxaan uu kusoo beegmaya iyadoo mudooyinkii dambe degmadaasi ay ka dhacayeen qaraxyo kala duwan oo qaarkood la fashiliyay.