7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 27, 2023
Puntland oo Xukun dheer ku riday saddex nin oo katirsan kooxda Alshabaab

Arbaco, September, 27, 2023 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa  Xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal loo haystay inay ka tirsanyihiin kooxda Alshabaab.

Maxamed Deeq Salaad Cabdi ayay maxkamaddu ku xukuntay 20 sano oo cabsi ah, Ismacil Daa'uud Jiirow Xarfaanay ayaa sidoo kale lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah, halka Cabdulqadir Abuukar sheekh Maxamed lagu xukumay 15 sano.

Saddexdan nin ayaa loo haysaa inay qeyb ka ahaayeen falal isugu jira qaraxyo iyo dilal ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Waxay maxkamaddu sheegtay inay xiriir lalahaayeen shabakado katirsan Alshabaab, kuwaas oo horey loogu fuliyay dil, halka qaar kalena ay xukuman yihiin.

Maxkamaddu waxay sheegtay in saddexda nin ay qirteen dambiyada lagusoo eedeeyay, inkastoo qareenada difaacaya ay sheegeen in eedda maxkamadda ay tahay mid aan waxba ka jirin.

Dhinaca kale, ehelada dadka lagu dilay magaalada Gaalkacyo ayaa maamulka Puntland ka codsaday in xukunka lagu fuliyo dambiilayaal Shabaab ah oo ku xukuman, kuwaas oo dhammaan maxkamadaha heerarkooda Kala sarreeya ay isku waafaqeen xukunka lagu riday.

Dadkan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxay walaac ka muujiyeen in maamulku uu doonayo  in dambiilayaasha aan lagu fulin xukunkii lagu riday oo ahaa Dil toogasho.