7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 27, 2023
Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay Galgaduud

Arbaco, September, 27, 2023 (HOL) - Ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo culus oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamada is kaashanaya ayaa howlgal qorsheysanaa oo ay Shalay galinkii dambe ka sameeyeen deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ku dilay 3 xubnood oo ka tirsan kooxda, islamarkaana sidoo kale nolosha ku qabtay xubin kale oo ka mid ah Al-shabaab.

"Ciidanka deegaanka ee ka howlgala aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo afjaray koox Khawaarij ah, iyagoo dilay seddax dhagarqabe, mid kalena nolosha ku qabtay, sidoo kale Mooto FEKON ah iyo ugu yaqaan hal qori oo AK47 ah ayaa laga furtay Khawaarijta" ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda.

Deegaanka Bulacle ayaa lagu soo bandhigay maxbuuska ciidanka ay nolosha kusoo qabteen iyo meydadka xubnaha la dilay, waxaana deegaankaasi gaaray isla shalay masuuliyiin uu horkacaayay guddoomiyaha degamada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqorow.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan deegaanada maamulka Galmudug ayaa laba jibaaray bilahii lasoo dhaafay dagaalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda Galmudug, kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud uu ka dhigtay fariisin uu ka hoggaamiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.