7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 26, 2023
Ciidanka dowladda iyo kuwa Itoobiya oo ku dagaalamay degmada Dooloow
 

Talaado, September, 26, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta uu  dagaal ku dhexmaray gudaha degmada ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Militariga dalka Itoobiya.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii ciidamada Itoobiya ay ku amreen ciidan Booliis ah oo ku sugnaa barkoontarool oo ay ku leeyihiin agagaarka Buundada degmada Dooloow iney baneeyaan koontaroolkaas, hayeshee arintaasi ay ka biyo diideen ciidankii ku sugnaa koontaroolka.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Militariga dalka Itoobiya ayaa halkaasi mudo kooban ku dagaalamay, balse lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka.

Dagaalkaan maanta Dooloow ku dhexmaray ciidanka ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo halkaas saacadahii lasoo dhaafay laga dareemayay xiisad u dhaxeysa ciidanka Itoobiya iyo ciidan taabacsan Siyaasi Barre Aadan Shire Hiiraalle.

Xiisada ayaa timid kadib markii Barre Hiiraalle u shalay shaaciyay in saraakiil iyo ciidamo Itoobiyaan ah ugu hanjabeen in dooloow hadii uusan isaga bixin 24 saac gudahood isagoo katiinadeysan diyaarad saari doonaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka Barre Hiiraalle ay difaacyo xoogan ka sameysteen xaafado ka tirsan degmada Dooloow, waxaana xusid mudan in Barre Hiiraalle uu shaaciyay inuu la dagaalami doono ciidanka Itoobiya hadii ay soo weeraraan.

Gabagabadii ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Fedaraalka Soomaalya iyo maamulka Jubbaland oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay degmada Doolow iyo xiisada u dhaxeysa Barre Hiiraalle iyo ciidanka Itoobiya.