7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 26, 2023
Jawaari: Wax cabsi ah kama qabno inaan tagno Baydhabo, doorashadana waa la qabanayaa

Talaado, September, 26, 2023 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay inay shanta Octobar tagayaan magaalada Baydhabo, iyagoo ka duulaya heshiiskii lagu gaaray magaalada Baydhabo ee ku saabdanaa jadwalka doorashada maamulka Koonfur Galbeed.

Proff. Jawaari oo hoggaaminayay wafdi siyaasiyiin ah oo uu kamid tahay madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, ayaa sheegay inay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayna Kala hadleen in la fuliyo heshiiskii doorashada Koonfur Galbeed.

"Wax cabsi ah kama qabno inaan tagno magaalada Baydhabo, doorashadana waa la qabanayaa. Waxaan ku soconaa fulinta heshiiska Baydhabo lagu gaaray," ayuu yiri Jawaari

Jawaari wuxuu sheegay in ay doonayaan in ay qabaan in doorashada Koonfur Galbeed ay bilaabato, islamarkaana ay dowladda federaalka oo garwadeen ka ahayd heshiiskii lagu gaaray magaalada Baydhabo ay ka shaqeyso in heshiiskaasi uu fulo, ayna ka shaqeyso in howlaha doorashada la bilaabo bisha soo socota.

Wuxuu sheegay in aanay wax cabsi ah ka qabin, in madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen uu hor istaago doorashada. Wuxuu sheegay inay ku adag yihiin fulinta heshiiska Baydhabo, kasoo tilmaamaya in doorashada la qabto bisha January ee 2024.

Hadalka Jawaari ayaa kusoo beegmaya xilli madaxweynaha Koonfur Galbeed uu diiday in magaalada Baydhabo ay yimaadaan siyaasiyiinta mucaaradka, mana jirto wax dhaqdhaqaaq doorasho ah oo ka socda Koonfur Galbeed .

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa Muqdisho ku saxiixay heshiiska golaha wadatashiga oo sheegaya in doorashooyinka dowlad goboleedyada la mideeyo oo la qabto dhammaadka 2024.

Balse heshiiskaas ayaanu weli meel marin baarlamaanka Soomaaliya.