7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 26, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaano hoostaga Baydhabo
 

Talaado, September, 26, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ku bilaawday oo kooxda Al-shabaab ay ku qaaday galinkii dambe ee Shalay deegaano laga difaaco magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa madaafiicda kadib weerar toos ah ku qaaday Saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanada Wargaduud iyo Xanaano oo ah deegaano dhaca Waqooyiga magaalada Baydhabo.

Weerarka halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab ayaa la sheegay inuu qaatay mudo ku dhaw laba saacadood oo xiriir ah, kaasoo aanan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegeen in weerarka kaga yimid kooxda ay iska difaaceen, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen xubnahii soo weeraray.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda guullo ka sheegatay weerarka ay ku qaaday deegaanada Wargaduud iyo Xanaano, iyadoona sheegatay inay ku dishay  weerarka askar badan, hayeeshee maysan sheegin tirada ay ku dileen.

Dagaalkaan ka dhacay Waqooyiga Baydhabo ayaa imaanaya, Koonfur Galbeed ay ka mid tahay meelaha wali ay ku xoog badan yihiin kooxda Al-shabaaab.