7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 30, 2023
Cali Jeyte oo shaaciyay mowqifkiisa ku aadan xilka uu u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh
 

Isniin, October, 30, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka la baxay Hiiraan State Cali Jeyte Cismaan ayaa 24 saac kadib cadeeyay mowqifkiisa ku aadan xil cusub uu Shalay u magacaabay madaxweynaha dowladda fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Xilka loo magacaabay Cali Jeyte ayaa ahaa u qeybsaha Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha ee loo yaqaano Macawisleyda Soomaaliya.

Cali jeyte ayaa goordhaw shaaciyay inuu ku faraxsanahay xilka uu u magacaabay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud.

"Waan soo dhaweynaya xilka uu ii magacaabay madaxweynaha waana uga mahadcelinaya" ayuu yiri Jeyte.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Cali Jeyte Cismaan waxa iska badalay arrinta la xariirta maamulka uu madaxweynaha ka ahaa ee Hiiraan State.

"Qadiyada Hiiraan State waxba iskama badalin aniga shaqsi ahaan mowqifkeyga Hiiraan State waa sidiisii ma ka tanasulin, kamana tanasuli doono, magacaabistaan wax cusub maha waa la sharciyeeyay kaliya ee waa heshiiskii Maxaas ay kusoo wada galeen Xawaadle iyo Madaxweyne Xasan ee ahaa in dagaalka Shabaab inaan aniga hoggaamiyo, loona soo jeesto dagaalka, wixii qadiyadna ahna dib la isaga yimaado, marka qadiyada Hiiraan State waa halkeeda, mana ahan dukaan Cali Jeyte ee qadiyada qof walba ayay masuuliyad ka saaran tahay" ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Cali Jeyte ayaa sidoo kale ku baaqay in dagaal beeleedka ka socda Shabeellaha Dhexe loo istaago sidii loo joojin lahaa oo uuna dhiig dambe ugu sii daadan.

"Beelaha walaalaha ee Shabeellaha Dhexe ku dagaalama waa in awood lagu joojiya hadii xal kale la waayo oo ciidanka dowladda ay si awood ah ku joojiyaan" ayuu yiri Jeyte.

Si kastaba ha ahaatee magacaabista Cali Jeyte ayaa waxaa ka dhashay saacadahii lasoo dhaafay hadal heyn xoogan oo la xariirtay xilka loo magacaabay iyo arrinta maamulka Hiiraan State, hayeeshee Jeyte ayaa saacado badan kadib xaqiijiyay in moqifkiisii Hiiraan state wali waxba iska badalin.