7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 30, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose

Isniin, October, 30, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo saakay ka dhacay deegaanka Buulo Xaaji oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa ahaa mid dhexmaray ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland iyo kuwa  Ururka Al-Shabaab, kaasoo yimid kadib markii ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay weerar toos ah ku qaadeen goob ku taala deegaanka Buulo Xaaji oo uu shir uga socday xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ilo ku sugan deegaanka Buulo Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu socday ku dhawaad laba saacadood oo xiriir ah, islamarkaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa dhankooda sheegay in weerarka ay jab xoogan ku gaarsiyeen xubnaha Shabaab ka tirsan, islamarkaana ay wali ku raad joogaan firxadka xubnaha shabaabka ee goobta ka baxsaday.

Deegaanka Buulo Xaaji ee saakay dagaalku ka dhacay ayaa ka mid ahaa deegaanada kooxda Al-shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada iyo qaraxyada ay kooxdu ka geysato magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.