7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 30, 2023
ATMIS oo bogaadisay wadashaqeynta ciidanka Kenya iyo Ciidamada ammaanka ee Jubbaland

Isniin, October, 30, 2023 (HOL) - Taliye ku xigeenka ciidamada Midowga Afrika ee dhinaca taakuleynta iyo saadka, Sarreeye Gaas Peter Muteti, ayaa soo gabagabeeyay booqasho rasmi ah oo labo maalmood qaadatay oo uu ku joogay Jubbaland, si uu ugu kuur galo xaaladda ciidamada ku sugan Dhoobley.

Maj. Gen Muteti ayaa ku ammaanay ciidamada dalka Kenya ee ka howlgala ATMIS, in ay kaalin mug leh ka qaateen sidii ay u yareyn lahaayeen khataraha Al-Shabaab iyo ilaalinta shacabka ku nool gobolka Jubbada Hoose.

"Dadaalka hagar la'aanta ah ee aad ku haysaan howlgalka nabad ilaalinta waa mid ammaan mudan, waxaana aaminsanahay in ATMIS ahaan oo ay la shaqeynayaan ciidamada ammaanka Soomaaliya, aan si wadajir ah ugu guuleysan karno inaan saarno Al-Shabaab, oo aan soo celino nabaddii  Soomaaliya," ayuu yiri Muteti.

Wuxuu ammaanay dowrka ay ka ciyaareen qeybaha ATMIS-ka, oo ay ku jiraan militariga, booliiska, iyo qeybaha rayidka, isagoo ku booriyay inaysan ka daalin taageerada Soomaaliya si loo gaaro nabad iyo xasillooni.