7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 29, 2023
Dowladda Fedaraalka oo sheegtay in Al-shabaab ka dambeyso dagaal beeleedyada
 

Axad, October, 29, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kooxda Al-shabaab ku eedeysay iney ka dambeeyaan dagaal beeleedyada ka dhaca qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab dhaqaale badan ku bixiso hurinta colaad beeleedyada ka dhaca deegaanada qaar ee laga xureeyay kooxda, taasoo uu ku sheegay iney kooxda kaga gol ledahay sidii looga mashquuli dagaalka lagula jiro.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa uga digay shacabka Soomaaliyeed iney ka feejignaadaan colaada ay kooxda Shabaab beelaha walaalaha ah dhaxdooda ka hurinayaan.

“Shabaab mashuruuc waxay ka dhigteen inay lacag ku bixiyaan qabaa’iladda sidii ay isugu diri lahaayeen inta iyaga lagu mashquuli lahaa ayay rabaa in colaadda lagu mashquulo” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.

Hadalkaan kasoo yeeray wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe uu ka socdo dagaal beeleed geystay khasaare badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo guro la gubay.