7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 29, 2023
Xil. Marwo: Madaxtooyada iyo guddoonka baarlamaanka ayaa dhabar jabin ku sameeyay musharraxnimadaydii
 

Axad, October, 29, 2023 (HOL) - Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir ayaa ku eedeysay madaxtooyada Soomaaliya iyo guddoonka baarlamaanku, inay iska kaashadeen inay dhabar jab ku sameeyeen musharraxnimadeedii tartankii doorashada madaxweynaha baarlamaanka adduunka oo ay dhawaan uga qeyb gashay Angola.

Xildhibaan Marwo oo wareysi siisay Universal Tv, waxay sheegtay inuu been abuur ahaa hadalkii uu guddoomiye ku xigeenka baarlamanka kasii daayay warbaahinta, ee ahaa in ay aqbashay inay ka tanaasusho doorashadaas.

Marwo, waxay sheegtay guddoomiye  ku xigeenka 2-aad inuu mar usoo bandhigay inay ka tanaasusho tartanka, isagoo u sheegay inay jiraan cadaadisyo saaran.

Balse waxay sheegtay in ay ka diiday ka dib markii uu soo bandhigi waayay wax ay ku qanacdo oo ay uga tanaasusho doorashada.

“Habeen habeenada kamid ah ayuu wuxu igu yiri guddoomiye Abshirow, Walaaley Pressure (Cadaadis) baa na haysta saaid ah. Marka inaad tanaasushaa la rabaa. Waxaan ku dhahay tanaasulku ceeb ma aha, laakiin sabab aan ku tanaasulo ii sheeg? Ma Tanzania ayaan u tanaasulnaa, mise dangaaray Soomaaliya leedahay. Guddoomiyuhu wuxuu iigu jawaabay,” dangaara la iima sheegine, haba tanaasusho gabadhu ayaa la yiri,”ayay tiri Xil. Marwo.

Waxay sheegtay warqadda guddoonku soo saaray inay dhabar jab weyn ku noqotay tartankeeda, iyadoo tilmaamtay in dadkii Soomaaliya la rabay kursigan, ay kala laabteen taageeradii ay u hayeen, ka dib markii ay ogaadeen inay Soomaaliya rabin in ay ka qeyb gasho tartankan.

Xildhibaanadu waxay sheegtay marka ay Muqdisho ku laabato inay barlamaanka horgayndoono su’aallo ku aadan sababta uu guddoonka baarlamaanka uga horyimid musharraxnimadeeda iyo ujeeddada ka dambeysa.