7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 29, 2023
Faysal Cali Waraabe oo ergay Cabdikariin Xuseen Guuleed ku eedeeyay in uu Somaliland duminayo

Axad, October, 29, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in koox cadaw ahi ay doonayso in ay Somaliland dumiso, isaga oo si gaar ah usoo hadal qaaday Ergay Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Guddoomiye Waraabe oo muuqaal la wadaagay warbaahinta ayaa sheegay in Somaliland lagu wado arrin hore Soomaaliya ugu socotay, sida uu hadalka u dhigay, arrintaasi oo ah in loo qaybiyo gobolo, isaga oo sheegay in Somaliland anay ka soconayn, oo aanay aqbalayn.

Ergay Cabdikariin Xuseen Guuleed ayuu si gaara uga hadlay, isaga oo sheegay in uu qayb ka yahay dad doonaya in ay Somaliland burburiyaan, isaga oo sheegay in magaca jagada uu hayo uu xataa badalay.

"Ninka la yidhaa Cabdikariin Xuseen ee la baxabay u qaybsamaha dowlada federaalka ee arrimaha Somaliland ee xataa magicii badalay ahaa wadahadalada Somaliland, waxba inaga qaadi maayo" ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu sheegay in beeno aan sal iyo raad lahayn ay faafinayaan cadawga Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland xadkeeda si dhakhso ah u tagayso.

"Cadawgeenii barobagaadho iyo been ayuu adduunka la maraya, waxan ugu bishaaraynayaa shacabka Somaliland xuduudeenii si dhakhso ah ayaynu u tagaynaa, dhallinyarada sida mutadawacnimada ah ciidamada u gashay waxan leeyahay guulaysta" ayuu yidhi Waraabe.

Guddoomiyaha ayaa tiraba dhawr jeer intii Ciidanka Somaliland laga soo saaray Laascaanood sheegay in Somaliland ay dib ula wareegayso Laascaanood.