7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 7 , 2023
Iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Talaado, November, 7, 2023 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad khasaare geystay oo ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka oo ka dhacay xaafada Saban saban ee degmada Deyniile ayaa dhexmaray ciidamo ka tirsan Booliiska iyo kuwa Militariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa lagu soo tababaray dalka Eretariya, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyay haweeney shacab ah ayaa ku geeriyootay iska hor imaadka waxaana ku dhaawacmay hal askari oo ciidamada dagaalamay ka mid ah.

Iska hor imaadka labada ciidan ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran la xariira dhismo ku yaala xaafada Saban Saban oo la dhisayay, waxaana sidoo kale ilo deegaanka ah ay sheegeen in ciidankan dhowr mar ay sidaan oo kale isugu dhaceen.