7/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 7 , 2023
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Guriceel

Talaado, November, 7, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo Xalay ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaal ayaa ahaa mid ku dhexmaray gudaha magaalada ciidanka Booliiska magaaladaas iyo maleeshiyaad hubeysan, sida ay warbaahinta gudaha u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan degmada.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidanka Booliiska, kuwaas oo la sheegay iney ka careysnayeen xarig gudaha degmadaasi loogu geystay rag iyaga ka tirsanaa.

Weerarkaasi ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay laba ruux oo mid ka mid ah uu yahay askarta ciidanka Booliiska, halka qofka kalana u yahay qof shacab ah oo rasaastu haleeshay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 4 ruux oo kale oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah.

Xaaladda magaalada Guriceel ayaa saakay ah mid degan, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in ciidamada amaanka degmadaasi ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan gudaha magaaladaas.