7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 7 , 2023
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka oo la wareegay degaanka Baraag Maxamed Daa'uud

Talaado, November, 7, 2023 (HOL) - Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21aad oo gacan ka helaya Dadka deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa'uud oo 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee Gobolka Mudug.

Howlgalka lagu xoreeyay degaankan ayaa waxaa horkacayey taliyaha Qaybta 21aad Gaashaanle Sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta General Xasan Jaamici.

Ciidamada ayaa baaritaano ka sameeyay dhulka howdka ah ee deegaankaas.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka, Shabaabkiii joogay deegaankaan ayaa halkaas isaga cararay. Waxaana firxadkooda ku sii daba jira ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Deegaanka Baraag Cali gaduud ayaa kamid ah degaanada hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Wuxuu kamid ahaa degaanadii mar laga xoreeyay Alshabaab, balse ay dib ula wareegeen, ka dib markii ay ciidanku halkaasi kasoo baxeen.

Waa degaan kuyaala dhul howd ah oo Alshabaab muddo dheer ay maamulayeen.