7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 29, 2023
Somaliland: Saraakiil dhawaan dablay hubaysani afduubtay oo eedo u jeediyay xildhibaano sheegay in ay soo daayeen
 

Sabti, Luulyo, 29, 2023 (HOL) - Saraakiil dhawaan dablay hubaysani afduub ugu gaysatay buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil ee Somaliland ayaa xildhibaano sheegay in ay soo daayeen ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen afduub kooda.

Saraakiisha oo waraysi siiyay MMTV, ayaa sheegay in dabalayda hubaysan oo dhawaan isku urursatay buurta ay ergo ahaan ugu tageen, lakiin ay dablaydii ula dhaqantay si bini'adamnimada ka baxsan, isla markaana ay qaateen baastooladahoodii.

Xildhibaan Xasan Ogaal iyo xildhibaan Cabdi Hugur oo sheegay in ay saraakiisha kasoo daayeen dablayda, ayay saraakiishu ku eedeeyeen in ay iyagu masuul ka ahaayeen afduubkooda.

"Waxaan aaminsanahay in nimankaasi nimanka ciidanka buurta dhigtay ay yihiin, oo jananada mamula ay yihiin, waxaanu dowlada iyo reerka u sheegayna in wax ciidan la yidhaa aanu meesha jirin, 30 nin oo shufto ah oo mooryaan ah ayaa jooga" mid kamid ah saraakiisha ayaa sida yidhi.

Waxa uu sheegay in hadii talaabo laga qaadi waayo xildhibanada labada ah, ay iyagu talaabo qaadi doonaan, isaga oo sheegay in iyaga oo saraakiil sar sare ah ay bahdileen oo ay katiinadeeyeen.

"Xildhibaan ogaal ninka la yidhaa isaga ayaaba amar ku bixiyay baastooladaha yaga in aan nala siin, waxa uu yidhi waxa kale waa laydiin siinayaa, lakiin bastooladaha laydin siin maayo".

Kooxdan afduubka gaysatay ayaa Arbcadii saraakiisha kusoo weeraray degmada Godawayn ee gobolka Saaxil, xili saraakiisha iyo odayaal kale ay isku dayayeen in ay la hadlaan, sidookale dablaydan ayaa saaka rasaas ku furtay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Case, oo marayay goob buurta ku dhow.

Kooxdan ayaa sheegtay in ay kasoo horjeedaan xukuumada Somaliland oo ay ku eedeeyeen xukun maroorsi, waxayna sheegeen in ay rabaa in ay madaxweynaha xoog xukunka kaga tuuraan.