7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 29, 2023
Talyaaniga oo dowladda Soomaaliya ku wareejiyay gargaar loogu talo galay dadkii ka barakacay Laascaanood

Sabti, Luulyo, 29, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta dowladda Talyaaniga kala wareegtay gargaar Bani'aadanimo oo loogu tala galay dadkii waxyeelada kasoo gaartay iyo kuwa ka barakacay dagaalada ka dhacay magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool.

Diyaarad gaar ah oo siday deeqdaan oo isugu jirta daawo iyo agab Caafimaad ayaa duhurnimadii Maanta soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal ayaa Safiir ku xigeenka Safaaradda Talyaaniga ee magaalada Muqdisho Katia Rosi kala wareegay deeqdaan oo uu sheegay iney isugu jirto daawo iyo agab Caafimaad oo ka kooban 20 tan.

"Waxaan Maanta la wareegnay deeq gargaar 20 tan ah oo isugu jirta daawooyin iyo agab kale oo Caafimaad oo nooga yimid Talyaaniga oo kasoo jawaabay waqti munaasab ah codsi aan u dirsanay, waan u mahadcelinaya dowladda Talyaaniga,  waxaana rajeyna in codsiyo kale oo inoogu maqan ay kasoo jawaabi doonaan" ayuu yiri Wasiir Isaaq Maxamuud Mursal.

Safiir ku xigeenka Safaaradda Talyaaniga ee magaalada Muqdisho ayaa dhankeeda sheegtay in dowladda Talyaaniga ay diyaar u tahay in dowladda Soomaaliya ay ka taageerto dhankasta.

Deeqdaan gargaarka ah ee Maanta dowladda Soomaaliya la wareegtay ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo wali magaalada Laascaanood ay ka socdaan dagaalada u dhaxeeya ciidamada Soomaaliland iyo kuwa dadka deegaanka, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyadeed.