7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 29, 2023
Waa imisa tirada saraakiisha ciidan ee loo xiray weerarkii xarunta Jaalle Siyaad
 

Sabti, Luulyo, 29, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in saraakiil ciidan oo katirsan hay'daha amniga dowladda loo xiray weerarkii ismiidaaminta ah ee ka dhacay xerada Jaalle Siyaad.

Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Soomaaliya, C/fitaax Qaasim ayaa shaaca ka qaaday in 14 sarkaal oo uu ku jiro Taliyihii Kulliyadda Jaalle Siyaad loo xiray weerarkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 30 askari.

Hadalkaan ayuu wasiir ku xigeenka gaashaandhigga ka sheegay kulanka uu Golaha Shacabka su’aalo ku weydiinayay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Cabiqaadir Maxamed Nuur.

C/fitaax Qaasim wuxuu sheegay in lala xisaabtami doono dadkii ku lugta lahaa falkaas, sharcigana la horgeyn doono.

Waa tiradii ugu badnayd saraakiil ciidan oo loo xiro mid kamid ah weerarada ay geysteen Alshabaab. Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta musuq maasuqa, ayaa aaminsan in ay jiraan saraakiil ciidan oo xiriir dhow laleh Alshabaab, kuwaas oo u fududeeya weerarada.

Weerarkii lagu qaaday xerada  Jaalle Siyaad ayaa ahaa mid kamid ah weerarada muujinaya in Alshabaab loo fududeeyay in gudaha xarunta Jaalle Siyaad loo galiyo naftii hallige isku qarxiyay ciidamada Dowladda.

Qofka isqarxiyay ayaa iska dhigay sarkaal ciidan oo watay darooyin sare, sida lagasoo xigtay qaar kamid ah askartii ka badbaaday weerarkaas. Inkastoo dowladdu aanay wel faahfaahin sida uu ku dhacay weerarkaas.