7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 28, 2023
Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay gaadiid qalab u siday Al-shabaab iyo ragii la socday

Khamiis, December, 28, 2023 (HOL) - Ciidamada hay'ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa maanta gacanta ku dhigay sadax baabuur oo ay ku raran yihiin qalab u badan Elektaoonig oo lagu dhex qariyay budada laga sameeyo waxyaabaha qarxa, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda.

Sadaxda gaari iyo 8 ruux oo uu ku jiro nin ajinabi ah oo u dhashay dalka Uganda ayaa ciidanka NISA ay ku qabteen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaadiidka iyo raga watay ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay iney kusii jeedeen goobaha ay ka taliyaan kooxda Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

"Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose ku qabtay Saddex Gaari oo ah nuuca loo yaqaano Homey, kuwaas oo ay ku raranyihiin budada laga sameeyo waxyaabaha qarxa, dab dhaliyaal (Solar’s) Computero iyo agabyo kale oo badan oo ciidamadu isticmaalaan, isla markaana loo waday Khawaarijta" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Ciidamada Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ayaa la tilmaamay in wali ay haatan ku howlan yihiin baaritaano dheeraad oo la xariira dadka iyo agabka kale oo ay gacanta ku hayaan.