7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 28, 2023
Somaliland oo faah faahin ka bixisay kulanka Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya

Arbaco, December, 26, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar saaka ugu baxay dalka Jabuuti, isaga oo halkaa kula kulmi doona Madaxweynaha Soomaaliya, si loo sii anba qaado wadahadaladii labada dhinac.

"Ujeedada safarkan weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa ah in halkaa laga sii amba qaado wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo ku bilaami doona heer Madaxweyneyaal" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kasoo baxday Madaxtooyada Somaliland.

Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa si goos goos ah u socday tobankii sanno ee u danbeeyay, iyada oo ilaa hada anay kasoo bixin wax natiijo ah oo la taaban karo, waxaana laga war sugaya sida uu noqon doono kulanka maanta.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa tiraba dhawr jeer is hor fadhiisiyay labada dhinac, waxa la sheegaya in uu isagu bixiyay casuumada ay maanta labada madaxweyne ku kulmayaan.

Madaxweynaha waxa sidookale safarka ku wehelinaya Wasiirrada Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha,  Mudane Maxamed Kaahin Axmed,  Waxbarashada, Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa weftiga Madaxweynaha.