7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 28, 2023
Puntland oo war kasoo saartay labo sarkaal oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo
 

Khamiis, December, 28, 2023 (HOL) - Taliska ciidanka Booliiska Puntland ayaa shaaciyay magacyada labo nin oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan dil xalay magaalada Gaalkacyo loogu geystay labo sarkaal oo katirsanaa ciidanka Booliiska Puntland.

Taliska Booliiska ayaa amray in lasoo qabto Xuseen Muuse Faarax iyo Maxamed Xuseen Muuse oo magaalada Galkacayo gaar ahaan xaafadda Halabokhad ku dilay laba sarkaal oo lagu kala magacaabo X/le Xuseen Cabdul Cumar iyo X/le Sakariye Maxamed Diiriye

“Qofkasta oo garanaya halka ay joogaan waxa lagu boorinayaa in uu waco Ciidanka Booliiska Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay booliiska.

Labadan eedeysane oo kala ah, wiil iyo Aabbihiis, ayaa la sheegay markii ay dilka geysteen inay degaanka ka baxsadeen.

Lama oga sababta ay u dileen labada sarkaal, hase ahaatee muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa Gaalkacyo ka dhacayay dilal salka ku hayay aanooyin qabiil oo ka dhex taagan qaar kamid ah beelaha kuwada nool magaalada Gaalkacyo.

Dhawaan ayaa xal lagu gaaray in qofkii qof dila lasoo qabto lana toogto.