7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 11, 2023
Somaliland: Faahfaahinta khasaare ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay Goda-yar
 

Jimco, Agoosto, 11, 2023 (HOL) - 4 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa lagu dilay dagaalkii maanta degmada Goda-yar ku dhexmaray ciidanka booliiska iyo jabhada buurta Gacan-libaax, sida ay HOL u xaqiijiyeen ilo ka agdhow ciidanka.

Xogaha laga helayo booliiska ayaa sheegaya in jabhadu ay si gaadmo ah usoo weerartay ciidanka oo ku sugnaa goob dhawaan la dajiyay, isla markaana uu dagaal muddo socday dhexmaray labada dhinac.

Lama oga khasaaraha gaadhay dhinaca jabhada, ilaa iyo hadana wax faah faahina may bixin, dhinaca kale dagaal dhawaan dhexmaray labada dhinac ayay jabhadu ku dishay 1 askari, iyaga oo dhankooda sheegay in anay waxba soo gaadhin.

Jabhada ayaa sodookale weeraro ay dad iyo baabuur ku afduubatay ka gaysatay deegaano kala duwan.

Waxa socota waan waan la doonayo in jabhada lagu soo xero galiyo oo lagu qanciyo, lakiin ilaa iyo hada ma muuqato wadahadal dhab ah oo lala furay kooxdan hubaysan.

Kooxdan ayaa sheegtay in ay kasoo horjeedaan hab maamulka madaxweynaha, sidookale mudaharaado xukuumada lagaga soo horjeedo ayaa maanta ka dhacay Burco iyo Ceerigaabo, walina lama oga hadii uu jiro khasaare ka dhashay.