7/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 11, 2023
Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo jabhada buurta Gacan libaax oo ka socda degmada Goda-yar

Jimco, Agoosto, 11, 2023 (HOL) - Dagaal u dhexeeya Booliiska Somaliland iyo Jabhadii dhawaan gashay buurta Gacan-libaax ee gobolka Saaxil ayaa ka socda degmada Goda-yar.

Dagaalka ayaa bilaabmay salaadii Jimacaha ee maanta kadib, ilaa iyo hadana war sugan lagama hayo sida uu ku bilowday, waana markii labaad oo intii jabahadani buurta dagtay uu dagaal dhexmaro ciidamo booliis ah oo dhawaan la geeyay agagaarka buurta.

Jabhadan ayaa hore afduub ugu gaysatay saraakiil ciidan iyo odayaaal doonayay in ay waan waan la galaan, sidookale Arbacadii weerar ay ku qaadeen degmada Dabagoroyaale ayay afduub ugu gaysteen dirawal iyo 2 baabuur oo ay lahayd hay'adda Hello Trust.

Xisbiga Waddani iyo qaar kamid ah ururada siyaasada ayaa cambaareeyay weerarka iyo qafaalashada ay jabhadu gaysatay, lakiin xukuumada Somaliland kali ah waxay sheegtay in ay ciqaabi doonto cidii gaysatay weerarka, baadhisna ay samayn doonto.

Jabhadan oo dhawaan soo shaacbaxday ayaa sheegtay in ay kasoo horjeedo nidaamka maamul ee madaxweynaha Somaliland, iyada oo dadka qaarkood ay sheegayaan in xisbiyada mucaaradku ay dabada ka wadaan, inkasta oo ay iska fogeeyeen.