7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 11, 2023
Wasiir Fiqi "Waxaa jira kooxo Soomaali ah oo Khawaarijta aheyn oo jecel inaan dalka laga Xureyn Al-shabaab"
 

Jimco, Agoosto, 11, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay iney jiraan koox uu ku tilmaamay manaxayaal maafiya ah oo ka daran kuwa Ururka Al-shabaab.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in dagaal ay la gali doonaan kooxdaan uu ku sheegey iney yihiin kuwa si weyn baraha bulshada ugu dhex buun buuniya marka uu khasaaro kasoo gaaro ciidanka xoogga dalka  weerarada kooxda Al-shabaab.

“Waxaa jira kooxo aan Khawaarijta aheyn oo xoriyad dalalkooda ku haysta oo Soomaali ah oo jecel askari marka la dilo in meydkiisa soo dhigaan sida Al-Shabaab-ka usoo dhigaan oo kale, oo marka baabuur ciidanka laga qabsado jecel inay buun-buuniyaan baaburkaasi" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi.

Wuxuu ku hanjabay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya in dadkaasi ay dowladda ka qaadi doonto talaabo adag, islamarkaana ay la gali doonaan dagaal la mid ah kan Al-shabaab ay kula jirto.

"Waa kuwa jecel in Khawaarijta noo joogto. Arrinta Shabaab oo laga guuleysta u arka Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrin hela, uma arkaan dhibaatada Khawaarijta ee la qabanayo ee waxay ka fiiranayaan siyaasadda ay uga aragti duwan yihiin, Waxay rabaan in ciidankeena guul-dareystaan oo Khawaarijta guuleystaan, kooxahaas ka aamus ma mudna oo meelaha lagu arka iyaga oo wax qoraya, iyaguna dagaalka qeyb ayay ka yihiin” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sidoo kale xusay in kooxdaan baraha bulshada ku buun buunisa Al-shabaab inay rumeysan yihiin in siyaasad ahaan ay kaga soo horjeedaan madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan Dhuusamareeb u jooga dardar gelinta dagaalka ka dhanka Al-shabaab.