7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 7 , 2023
Raysal wasaare Xamse oo dhigiisa dalka Serbia kala hadlay deyn Cafinta Soomaaliya
 

Jimco, April, 7, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Serbia Marwo Ana brnabić, oo ay ka wada hadleen arimo muhiim oo quseeya labada dowladood.

Raysal Wasaare Xamse ayaa dhigiisa dalka Serbia la yeeshay wadahadal wax ku ool ah oo la xariira xoojinta iyo adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labadda dowladood mudada dheer ka dhaxeeyay.

"Waxaan kala hadlay in Dowladda Seerbiya naga cafiso deynta kadib markii aan sharraxaad ka siiyay hiigsiga Xukuumadda Danqaran iyo shaqada ay ka qabatay hannaanka iyo dhameystirka shuruucda muhiimka u ah deyn cafinta. Dowladda Seerbiya waxaan uga mahadceliyay kaalmada bina’aadanimo ee ay dadkeenna soo gaarsiiyeen xilligii ay abaartu jirtay, waxaana sido kale ku bogaadiyay in ay kordhiyaan tirada deeqaha waxbarasho ee ay dalkeenna siiyaan" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Labada masuul waxay sidoo kale ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in madaxda labada dal booqashooyin ku kala bixiyaan Soomaaliya iyo Seerbiya si loo xoojiyo iskaashiga iyo xiriirka labada dhinac ka dhaxeeyo

Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen labada Raysal wasaare ee dalalka Soomaaliya iyo Serbia horumarinta arimaha ganacsiga iyo maalgashiga, deyn cafinta, taageeridda golayaasha Caalamiga ah, xoojinta saaxiibtinimada mudadda dheer, Caafimaadka, Waxbarashada iyo iskaashiga tignoolajiyada dhinaca amniga ee casriga ah.