7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 7 , 2023
Itoobiya oo kala diraysa Ciidamada Liyuu Booliska degaannada dalka
 

Jimco, April, 7, 2023 (HOL) -  Dowladda Itoobiya ayaa war ay habeenkii xalay ahayd soo saartay ku sheegtay in lakala dirayo oo la tirtirayo Ciidamada Booliiska gaarka ah ee degaannadu leeyihiin ee loo yaqaano (Liyuu Booliska), iyagoo si ikhtiyaar ah loogu kala darayo Milatariga dalka, Ciidanka Federal Booliska, iyo Booliska caadiga ah ee Deeganada dalku leeyihiin.

Dowladdu si buuxda uma caddayn sababta loo kala dirayo Ciidamada Liyuu Booliska degaannada, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dhinaca dhaqaalaha Itoobiya oo hoos u dhacay darteed ay sababtay in hoos loo dhigo Ciidamada Booliska gaar ah ee degaannada dalka Itoobiya leeyihiin.

Arrintan ayaa markiiba waxaa ka falceliyay kuwa degaanka Axmaarada oo iyaga iyo Millitariga Itoobiya ay Khamiistii isku dhaceen, warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in qaar kamid ah Ciidamada Liyuu Booliska Axmaarada ay duurka galeen iyagoo ka biyo diidan go'aankan ay dowladdu qaadatay ee lagu tirtirayo Liyuu Booliska degaannada.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee degaanka Axmaarada oo u horreeyaan ABEN iyo Baldheras ayaa iyaguna dhinacooda ka horyimid tallaabadan ay dowladdu qaadatay, iyagoo arrintaana ku tilmaamay mid aan dhici karin.

Shacabka iyo waxgaradka degaanka Soomaalida ayaa dhinacooda waxa ay walaac ka muujiyeen in la tirtiro Liyuu Booliska degaanka Soomaalida, iyagoo sheegay in Liyuu Boolisku ay yihiin Ciidanka kaliya ee ay isku halayn karaan shacabku ee ka difaaci kara dhib kasta oo degaanka kusoo wajahan.

Ciidamada gaarka ah ee Liyuu Booliska ayaa ah Ciidamo ay gaar u leeyihiin degaannada dalka Itoobiya, kuwaas oo qabta sugidda amniga degaanka ay ka howlgalaan, waxayna qaarkood la dagaallamaan haddii ay jiraan Jabhado hubaysan oo degaanka ay joogaan ka howlgala.