7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 7 , 2023
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Finland oo Muqdisho soo gaaray

Jimco, April, 7, 2023 (HOL) - Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Finland Pekka Haavisto ayaa Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana wafdiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimsha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse.

Soo dhaweyn kadib wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse ayaa dhigiisa dalka Finland warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka iyo dadaaladda xasilinta iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda dalka.

"Wada hadallo hordhac ah oon yeelanay waxaan bogaadiyay kaalinta dowladda Finland ee nabad dhiska, xasiloonada iyo martigelinta muwaadiniin Soomaaliyeed oo fara badan. Finland horay ayay dalka u joogtay, Safaaradna way ku leeyihiin, Mashaariic badan oo ay naga caawiyaan oo ay ka shaqeeyaan way jirtaa, wafdigaan muhiimad gaar ah buu u leeyahay, In Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Finland uu soo booqdo Soomaaliya taasi waxay sii xoojneysaa Iskaashiga naga dhaxeeya" ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibedda Finland ayaa sidoo kale la kulmi doona Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin kale.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa tan iyo markii dib loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay marti galineysay wafuud heer caalami ah oo siyaabo kala duwan booqosho ugu imaanayay Muqdisho.