Madaxweyne Xasan Sheikh oo magacaabay taliyaha ciidanka bada iyo difaaca xeebaha

 

Axad, November, 13, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaashaanle sare Mubarak Cabdiqani Muuse u magacaabay taliyaha ciidanka badda iyo difaaca xeebaha ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

newsinsideMadaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha ciidanka xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa faray taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in magacaabistan ay qeyb ka tahay dadaalada dowladdiisu ugu jirto si loo helo ciidan awood u leh hanashada sugidda amniga marin-badeedyada dalka iyo difaaca xeebaha Soomaaliya.

Magacaabidan ayaa kusoo aaday maalin kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu kasoo laabtey Eritrea halkaasoo uu ku kormeeray cutubyo kamid ah ciidamo loo tababaray badda.