Hiiraan Online
1/3/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Nov 13, 2022
Ciidamada dowladda oo isaga baxay deegaanka Wabxo iyo Al-shabaab oo dib ula wareegtay
Axad, November, 13, 2022 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa deegaankaasi iney Xalay isaga soo baxeen deegaankaasi.
Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Fedaraalka ayaa sheegay in sababta looga soo baxay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ay tahay amar ka yimid taliska sare ee ciidanka dowladda soomaaliya, hayeeshee uusan ogeyn sababta rasmiga ee ka dambeysa.
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee isaga soo baxay deegaanka Wabxo ayaa lasoo sheegaya iney dib ugu laabteen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo markii horeba ciidanka ka duulaan tageen.
Wararkii ugu dambeeyay ee Saakay kusoo dhacaya warqabadka Shabakadda HOL ayaa sheegaya in deegaanka Wabxo ay si nabad galyo ah dib ugula wareegeen dagaalamyaasha Al-shabaab.
Ma jirto wax faahfaahin dheeraad ah oo dowladda Soomaaliya ay ka bixisay sababta keentay in ciidamadeeda ay kasoo saarto deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.