Axad, November, 13, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu maalmihii ugu dambeeyay ku joogay dalka Eritrea.
newsinsideMadaxweyne Xasan ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu kulamo la qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada badda iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya iyo kuwa la baray xogta sawir gacmeedka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay ciidanka tababarka loo soo xiray ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in ciidamada tababarka loo soo xiray ay u baahan yihiin in ay dalkooda u adeegaan, oo ay naftooda u huraan.
Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in uu u yimid Eritrea sidii uu u xaqiijin lahaa in geeddi-socodka dhismaha ciidamada xoogga dalka uu yahay mid sal adag ku taagan.