7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 30, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo guddi u magacaabay soo xaqiijinta cabashada guddiyadda doorashada

Axad, May, 30, 2021 ( HOL ) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi u magacaabay soo xaqiijinta iyo cadeymaha cabashada la xariirta xubnaha Guddiga doorashada ee labada heer laga soo gudbiyay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa lagu shaaciyay in guddi heer wasiiro ah loo magacaabay soo xaqiijinta Xubnaha ku jira Guddiga doorashada ee horay looga soo gudbiyay cabasho ka dhan ah guddiga.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa guddi heer wasiir ah u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka. " ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha.

Guddigan uu magacaabay Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa qodobadii aay dhawaan ku heshiyeen Raysal wasaare Rooble, madaxda maamul goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Magacaabista guddigan ayaa ka mid noqoneysa dardargelinta howlaha doorashooyinka ee horyaala dhameystirkeeda Xukuumadda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]