7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 30, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo ku baaqay in midnimo la muujiyo wakhtiga doorashada
 

Axad, May, 30, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ugu baaqay in ay yeeshaan talo midaysan maalmaha doorashada si cududoodu u midowdo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in muhiimada doorashada laga leeyahay ay tahay in la helo bulsho wax wada leh oo midaysan.

“Golihi wakiilada waxa iskugu imanaya dad ay soo xuleen goboladi oo dhami, dowladaha hoosena waxa iskugu imanaya dad ay soo xuleen dagmooyinka iyo tuulooyinka oo iskugu imanaya caasimadii dagmada” ayuu yidhi.

“Waxaynu helaynaa talo midaysan, markay taladu midowdana xoogeeniba midoobaya oo wax baynu wada yeelanaynaa, waxa baxaya colaadi iyo kala shakigii”.

“Waxa kale oo soo kordhaya talo wadaag, golohu wuxu ka hadlayaa baahida taala halka ugu bariyaysa iyo halka ugu galbeedaysa, baahida kii geela laha, kii adhiga laha, kii beerta laha kii kaluumaysanayay” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa sheegay qof kii hadha iyo kii soo baxaba in ay talo wada leeyihiin xisbina ka wada yimaadeen.

“Cidi hadha iyo cidi soo baxdaba taladana way wada leeyihiin, xisbina way ka wada yimaadeen, intii hadhaana waa kayd uun, wax qof u cadhoo oo uu u sasaba maaha” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhinaca kale axsaabta mucaaradka u mahad celiyay isagoo sheegay in ay dulqaad iyo isu taanasul muujiyeen.

Baaqa madaxweynaha ayaa u jeedkiisu yahay sidi doorashooyinka si nabada loogu gali laha isla markaana loo yarayn laha khilaafka iyo is maan dhaafka.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]