7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 30, 2021
Sacuudiga oo xayiraadii socdaal ka qaaday 11 dal oo u badan reer galbeedka iyo Soomaaliya oo liiska cas kusii jirta
 

Axad, May, 30, 2021 ( HOL ) - Sacuudi Carabiya ayaa xayiraadii ka qaaday 11 dal oo markii hore lagu soo rogay xayiraad ku saabsan faafitaanka noocyada kala duwan ee cudurka coronavirus.

Muwaadiniinta dalalka Imaaraadka, Jarmalka, Mareykanka, Ireland, Talyaaniga, Boortaqiiska, Boqortooyada Midowday, Iswiidhan, Switzerland, Faransiiska iyo Japan ayaa loo ogolaaday inay galaan Boqortooyada iyagoo fulinaya xeerarka karantiilka.

Sida laga soo xigtay Hay'adda Caafimaadka Dadweynaha ee Sucuudiga (PHA), dalalkan waxa la sheegay in ay muujiyeen in ay hoos u dhigeen halista COVID-19.

Si kastaba ha noqotee, 13 waddan ayaa weli ku jira liiska cas.

Dalalkaas waxay kala yihiin Libya, Syria, Lebanon, Yemen, Iran, Turkey, Armenia, Somalia, Congo, Afghanistan, Venezuela, Belarus, iyo India.

Maamulka Guud ee Duulista Hawada ayaa soo saaray awaamiir ku socota cusbooneysiinta xayiraadaha safarka ee loogu tala galay dadka  tagaya Boqortooyada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online