
Khamiis, Janaayo, 09, 2020 (HOL)-Sanadka 2020ka ayaa mashaariic badan laga fulinayaa degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
newsinsideGudoomiyaha gobolka Sool cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo
shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu sheegay in ay
sanadkan gobolka ka fuli doonaan mashaariic badan oo kuwooda u horeeya
ay sabtida bilaabmi doonaan.
"Mashruuca JPLG oo ah mashruuc aad u balaadhan isbedelna ka muujiyey degmooyinkii horey looga fuliyey ayaan ku guulaysaney in dawladu ka bilawdo Laascaanood" ayuu yidhi Jiidhe isagoo intaas ku daray in mashruucan ay Somaliland maalgelinayso.
Sidoo kale waxa uu gudoomiyuhu
sheegay in ay mashaariicda qalinka lagu duugey ay ka mid yihiin
dhamaystirka garoonka kubada cagta ee Cabdi Bille, Jaamacada Nugaal oo
kordhin iyo dhamaystir lagu samayn doono, Isbitaalka guud oo sidoo kale
wixii ka dhiman la dhamaynayo.
Gudoomiye Jiidhe
waxa kale oo uu xusay iskuulo, goobaha qashinka lagu asturo, iyo degaano
ka baxsan magaalada oo iyagana waxqabad laga fulin doon, isagoo intaas
raaciyey in xukuumadiisu ay sanadkan 2020ka uu ugu calaamadsan yahay
horumarinta gobolka Sool.
Sidoo kale Jiidhe waxa uu
bulshada Laascaanood ee waxqabadka loo samaynayo ay qayb ka qaataan
gacana siiyaan dadka u adeegaya, isagoo intaas raaciyey in ardayda
dhamaysatay Jaamacadaha ay galaan mashruuca shaqo qaran si ay jaanis uga
helaan shaqooyinka soo baxa.
Si kastaba ha ahaadee
waxaa dadku si aad ah u hadal hayaan mashruuca JPLG oo ay ku
sifaynayaan in uu wax weyn ka nedeli doono muuqaalka magaalada
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool