Khamiis, Janaayo, 09, 2020 (HOL)- Dabley hubaysan ayaa askari katirsan ciidanka taraafikada Puntland ku dilay bartamaha magaalada Bosaso, sida uu kusoo waramayo weriyaha Hiiraan Online ee gobolka Bari.
Cumar Xaaji Yuusuf, oo ahaa askari caan ka ah Bosaso, ayaa lagu dilay agagaarka xarunta dowladda hoose, maanta barqadii, kadib markii rag ku hubaysan bistoolado ay rasaas la dhaceen.
Dad goob joogayaal ah ayaa HOL u sheegay in dilayaashu baxsadeen booliiskuna uu goobta gaaray markii uu falku dhacay.
Lama oga cida falkaan ka dambeysay, hase yeeshee Al-shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay dilal qorshaysan ka geysanaysay magaalada Bosaso, oo sanadihii ugu dambeeyay ammaankeedu sii xumaanayay.
Maalmo kahor maxkamada ciidamada Puntland, ayaa dil ku xukuntay rag katirsan Al-shabaab iyo Daacish oo Bosaso ku dilay askar iyo saraakiil ciidan.