
Khamiis, Janaayo, 09, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay afduubtay sida uu hadalka ku dhigay maamul u sameynta Galmudug.
newsinsideXaaf ayaa ugu baaqay Odayaasha dhaqanka in ay meel uga soo jeestaan sida uu hadalka u dhigay qorshaha ay waddo dowladda Soomaaliya oo ay ku dooneyso in ay ku dhisto maamulka Galmudug.
Hadalka madaxweyne Xaaf ayaa imanaya xili guddiga farsamada maamulka Galmudug sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo xulayo xildhibaannada Baarlamaanka cusub islamarkaana uu meesha ka baxay wixii khilaaf ahaa ee jiray.
Hoos ka akhriso Warka ka soo baxay madaxweyne Xaaf :-

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]