4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2019
Somaliland oo guddi Qaran u magacowday Taakuleynta Baladweyne ee Webigu ku fatahay

 

Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)-Rugta Ganacsiga ee Somaliland ayaa maanta ku dhowaaqday guddida taakuleynta Baladweyne oo qaadhaan loogu ururinayo dadka dhibaatada ka soo gaadhay biyaha Webiga ku fatahay dadweynaha reer Baladweyne oo gurmad degdeg ah u baahan.

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid ayaa sheegay inay madaxweyne Biixi iska arkeen arrintan, isla markaana madaxweynuhu sheegay inay xukuumad ahaan qaybtoodda ku dari doonaan marka la soo ururiyo qaadhaanka dadka tabaalaysan ee reer Baladweyne loo ururinayo.

“waxaan ka hadlayaa Dhibta ka dhacday baladweyn iyo guddi aanu u magacownay inay hawshaasi wax ka qabato, masiibo diibici ayaa ka dhacay Somalia gaar ahaan baladweyne, waxa ku barakacay saddex boqol oo kun oo qoys, waxa ka dilaacay xanuuno kala duwn, kuwaas oo u baahan in la soo caawiyo”ayuu yidhi Jamaal Caydiid oo ka hadlayey guddida ka shaqayn doonta taakulaynta Baladweyne.

Waxa hawsha loo magacaabay guddidi iskugu jirta culimo iyo ganacsato, kuwaas oo isku xidhi doonta gobolada Somaliland, taas oo cid kasta oo ka qaybqaadanaysa ku soo hagaajinaso rugta ganacsiga.

Guddidan waxa ka mid ah.

1. Jamaal Caydiid gudoomiyaha guddida

2. Kayse shukri Jaamac

3. Maxamed Axmed Jaamac

4. Sheekh Ciise Maxamud Cabdilaahi

5. Cabdiraxmaan Cali Cabdi

6. Sh . Maxamed Cali Geeddi

7. Sh. Axmed Aadan Buuxanne

8. Cabdiwahaab Maax Maxamuud

9. Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali

10. Cabdirisaq Ibraahim Maxamed

11. Xasan Axmed Xuseen

12. Suldaan Axmed Xuseen.

Guddidan ayaa sheegay in sanadkii 2011 kii markii abaaruhu ku dhufteen Soomaaliya ay Somaliland qayb weyn ka qaadatay, taas oo u baahan in mar walba oo dhibaato dhacdo la caawiyo dadka masaakiinta ah ee u baahan gurmadka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.