3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 6 , 2019
Baarlamaanka Puntland oo loo gudbiyay danbiyadii ka dhacay deegaannada maamulka Lixdii bilood ee la soo dhaafay

 

Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)-Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Puntland ayaa la horgeeyay warbixin la xiriirta daniyadii ka dhacay deegaannada uu maamulka ka arimiyo lixdii bilood ee la soo dhaafay iyo eedeymo loo jeediyay ciidamada Amaanka.

Warbixinta oo ay soo gudbiyeen guddiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka Puntland ayaa lagu sheegay in Lixdii bilood ee la soo dhaafay oo kaliya Puntland ka dhaceen fal danbiyeedyo gaaraya 3387 fal daniyeed kuwaa oo la sheegay in 56 ka mid ah yihiin kisas Kufsi ah oo siyaabo kala duwan u dhacay.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in Lixdii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa guddiga ay ku sheegeen 1833 shil oo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 206 qof. 

Dhinaca kale waxaa ay ku eedeeyeen ciidamada Amaanka dowlad gobolleedka Puntland in ay sanado xabsiyada isaga hayaan dadka shacabka ah ee la soo xiro iyaga oo aan wax maxkamad ah la horgeynin.

Guddiga ayaa tusaale u soo qaatay dadkan xiran bilooyinka ama sanadaha ay ka mid yihiin dad loo heysto fal danbiyeedyo aan weyneyn oo xal loo heli karo sida shilal gaari oo dhacay.

Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay ka dhacaan falbiyadeedyada ugu badan ee shilal iyo waliba kuwa xiriirka la leh Kufsiga iyadoo kiiskii ugu danbeeyay uu ahaa kufsigii Gaalkacyo loogu geystay Caa'isho Ilyaas  oo da'deedu aheyd 12 sano jir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
11/6/2019 3:24 PM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Ugu yaraan 4 ruux ayaa geeriyooday tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen iska hor imaad caawa ka dhacay xarunta Baarlamaanka Puntland ee ku taalla bartamaha magaalada Garoowe.

11/6/2019 12:17 PM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerar Bam loo adeegsaday oo gurigiisa lagu qaaday lagu dilay guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada maamulka gobolka Shabeellaha Hoose

11/6/2019 9:34 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)-Rugta Ganacsiga ee Somaliland ayaa maanta ku dhowaaqday guddida taakuleynta Baladweyne oo qaadhaan loogu ururinayo dadka dhibaatada ka soo gaadhay biyaha Webiga ku fatahay dadweynaha reer Baladweyne oo gurmad degdeg ah u baahan.

11/6/2019 7:03 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)-Nadia Mohamed oo ah Gabar dhalinyarro ah oo Soomaaliyeed ayaa sameysay taariikh habeennimadii Tallaadada kaddib markii ay ku guuleysatay in ay ka mid noqoto golaha deegaanka magaalada St. Louis Park City ee dalka Mareykanka

11/6/2019 3:27 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay fatahaaddo iyo daadad hor leh oo mar kale ku dhufta qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

11/6/2019 2:16 AM EST
Arbaco November. 06 2019 (HOL)Dood-cilmiyeedka Fagaaraha Forum ayaa shalay lagu qabtay magaaladda Minneapolis, waxaana ka qeygal guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Ismacil Ibrahim (Xalimo Yarey) wasiirkii hore ee Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada mudane Maxamed C/nuur Madeer, kuwaas oo aragtiyo kala duwan ka qabay doorashooyinka la filaayo ee 2020/21.

11/6/2019 12:26 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Maamulka gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay halka uu marayo gurmadka iyo gargaarka la gaarsiinayo dadka ay saameynta adag ku yeelatay fatahaaddii ugu danbeysay ee ku dhufatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

11/6/2019 12:07 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Maalmihii ugu danbeeyay waxaa si is daba joog ah uga soconayay guud ahaan dalka gurmadka gurmadka loo sameynayo dadka ay ku dhufteen fatahaadda Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo ay ugu dareyd magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo Boqolkiiba Sagaashan biyuhu qaadeen.

11/6/2019 12:02 AM EST
Arbaco, November, 06, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Soomaaliya Cabdirashid Maxamed Axmed ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in Soomaaliya qorsheyneyso in bil kaddib bixisho shantiga ilaa 30 milyan oo fuusto oo shidaal si ay u soo jiidato shirkaddaha maalgashiga sameeya.