Soomaaliya oo bisha December la filayo in ay ku dhawaaqdo shatiga shidaal dhan 30 bilyan oo fuusto
Arbaco, November, 06, 2019
(HOL)- Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Soomaaliya Cabdirashid Maxamed Axmed
ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in Soomaaliya qorsheyneyso in bil
kaddib bixisho shantiga ilaa 30 milyan oo fuusto oo shidaal si ay u soo jiidato
shirkaddaha maalgashiga sameeya.
Wasiirka oo ka qeybgalayay shirk u saabsan shidaalka
iy Gaas-ka uu ka socdo dalka Koonfur Afrika ayaa wasiirka waxaa kale oo uu
sheegay in shirkado badan ay ku tartami doonaan sanadka 2020-ka.
"Waxaanu soo bandhigeynaa ilaa 15
xirmooyinka shidaalka ah," ayuu yiri Cabdirashid Maxamed Axmed oo ku
sugnaa Magaalada Cape Town.
Wasiirka ayaa intaa ku darray in maclumaadka la
xiriira sahankii dhawaan laga sameeyay 15-ka xirmo, laga yaabo in ay ku jiraan
shidaal dhan 30 bilyan oo fuusto.
‘’Halka laga helay xirmooyinkan wey ka fog yihiin
halka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya, dacwadaas oo haatan hortaala
maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayuu yiri Wasiirka
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in burcadda
xeebaha Soomaaliya ku dhibaateyn jirtay haatan la sifeeyay.
"Soomaaliya waxaa horay loogu yaqiinay
burcad badeed, argagixiso iyo xasilooni daro , dowladdana waxaa ay wadaa dedaal
lagu xasiinayo dalka," ayuu yiri wasiir Axmed.
Maalgashiga Gaas-ka iyo shidaalka ayuu sheegay in
fursad shaqo ay u noqon doonta dhalinyarada, taas oo gacan ka geysan karta in
da' yarta aysan ku biirin kooxaha burcadda, qeybna ka qaataan ammaanka dalka.
"Waxaa jira nidaam aan ku heshiinay oo
dhigaya in haddii aan soo saarno shidaal, aysan dhici doonin dhibaato ka
dhalata," ayuu raaciyay wasiirka oo wax laga weydiiyay bal in ay ka
digtoonaadeen dhibaatooyinka ka dhasha shidaalka, maadama uu dhibaato u
horseeday dalal badan oo caalamka.
Madaxweynah dowladda federaalka ee Soomaaliya
ayuu sheegay in dhawaan uu saxiixi doonaa sharciga shidaalka, kaas oo haatan
horyaala aqalka sare ee dalka.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]