Shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah oo la fasaxay maalmaha Ciidda


Isniin, June, 03, 2019 (HOL)– Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku wargelisay shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah inay yihiin fasax maalmaha Ciidda.

newsinsideQoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay labo maalin inay fasaxyihiin shaqaalaha dowladda iyo hay'adaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri "Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxay ku wargelinaysa dhammaan shaqaalaha hay'adaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya iyo Hay'adaha gaarka loo leeyahay shaqaalahooda inay fasax tahay maalinta Ciidu Fidhriga 2 maalmood oo ku aaddan maalinta Talaadada ah iyo Arbacada."

Hoos ka akhri qoraalka ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]