Isniin, June, 03, 2019 (HOL)-Magaalada Xuddun oo ka mid ahayd meelaha ugu daraa ee abaartii baahsanayd ee degaanadaasi soo marta ay loxos dhigtay ayaa hada dhibaato kale ugu darsatay ka dib markii roobab aan kala go lahayn isu daba mareen afartii maalmood ee la soo dhaafay kana go'doomiyeen dhulka intiisa kale.
newsinside "Dooxada Xudun magaalada uma dhowa oo illaa afar kiiloomitir ayay u
jirtaa meelaha qaarkood hadana biyihii ka soo fatahay ayaa magaalada
qarqiyey inkasta oo aan khasaare la sheegto aanu jirin hadana dhib badan
baa taagan" sidaa waxaa noo sheegay Axmed Cali Faarax oo ka mid ah
hawlwadeenada caafimaadka.
Waxa kale oo uu
intaas ku daray in maanta ku afar aan wax gaadiid ahi magaalada soo
gelin kana bixin, waxaana marhoreba la waayey sida uu sheegay khudaartii
iyadoo laga cabsi qabo in raashin la'aani timaado.
Maxamed
Jaamac Mahad oo aan kala xidhiidhay degmada Xuddun ayaa waxa uu ii
sheegay in ay dad badan dhibaato soo food saaratay oo dadka reer
guuraaga ah.
"Mudo sadex maalmood ah waxaan jirey gurmad oo
dadka reer guuraaga ah oo aan badanaa kaga xisaabtama sidii kalhore ayaa
ku godoomaya biyo mareeno dhexdood hada waxaan si dirqi ah kaga soo
saaray caruurtii reer ku godoomay dooxada Shinbiraaley, dadkii waaweynaa
iyo xoolihiina turug yar bay saaran yihiin, hadii biyuhu soo kordhaana
rajo maleh hadii ay yaraadaaana waan ka soo saaraynaa " ayuu yidhi
Maxamed isagoo intaas raaciyey sida muuqata in laashash loo baahan karo.
Si
kastaba ha ahaatee qaylada ka soo yeedhaysa degmada xudun ayaa aad u
badan iyadoo badanaa hada xoolo aan la xaalayn ee dadka samatabixintiisa
xooga la saarayo.