
Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya ciidamo ka tirsan dowladda kuwa AMISOM Al-Shabaab.
newsinsideDagaalka oo ka dhacay deegaanka Golweyn ayaa yimid kaddib markii xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada Dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin deegaanka Golweyn, waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal mudo kooban socday
Goobjoogayaal warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hasse ahaatee aysan cadeyn karin khasaaro ka soo kala gaaray dhinacyada halkaasi ku dagalaamay.
Gobolka Shabeellaha hoose waxaa ka soconaya howlgalo ciidamada dowladda ay ka wadaan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay la wareegtay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]