
Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)- Shirkii 4-aad ee madasha guddiyada Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dowlad-gobolleed ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, kaaso shalay si rasmi ah u furmay.
newsinsideShirka ayaa waxaa ka qaybgalaya guddiga la socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddigaas, Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) ,Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka,Guddoonnada Baarlamaannada iyo Guddiyada Dastuurka ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.
Muddo saddex maalin ah oo uu shirka ka socdo ayaa looga tashanayo cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa rajo ka muujiyay in natiijooyin miro dhal ah ay ka soo baxaan dadaalada loogu jiro dib u eegista Dastuurka.
[email protected]