Xafiiska hantidhowrka guud ee Qaranka oo shirkiisii sanadlaha ka furay magaalada Muqdisho


Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa shir soconaya sadex maalmood ka furay magaalada Muqdisho, waxaana shirka ka soo qayb galay maamulada Puntland, Hirshabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir, iyadoona shirka looga xaajooday sidii loo adkayn lahaa xariirka ka dhaxeeya Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka iyo hantidhawrada maamul goboleedyada.

Shirkan oo ah mid sannadle ah ayaa diirada lagu saaray sidii loo adkayn lahaa xiriirka wanaagsan iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa xafiisyada, isla markaan la isku weydaarsan lahaa khibaradaha iyo aqoonta xafiisyada Hantidhawrada.

Gudoomiyaha Hanitidhawrka Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali “Afgooye” ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la joogteeyo xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysay maamaulada iyo dowladda dhexe si loo hormariyo adeega loo hayo bulshada.

“Ujeedada kulankeenu waa in dhamaan xafiisyadu aqoontooda isweydaarsadaan kalana fa’iidaystaan, marka ay timaado hirgalinta qorshayaasha istiraatiijiyadeed, baaritaanada la sameeyo, gaar ahaan baaristii la sameeyey 2018-kii, horumarka laga sameeyey la qabsiga ku aadan heerka caalamiga ee Hay’adaha Hanti dhawrada ee loo yaqaan (ISSAI) iyo dib u eegista sharcigeena iyo xeerka qaab dhismeedka ee ay ku jirto waajibaadkeena baariseed” ayuu yiri Gudoomiye Maxamed Ali

Sidoo kale Hantidhawraha Guud ee maamulka Galmudug oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay “Waxaan cadaynaynaa horayna ugu balanay Hantidhawradu inaysan kala aragti duwanayn hadii ay noqon lahaayeen heer faderaal iyo heer maamul goboleed, waxaan leenahay hal talo, hal aragti iyo hal ujeedo, oo ku salaysan taaba-galinta qaran aan wada leenahay” ayuu yiri Xaashi Osman mohamed

Xafiiska Hantidharka Guud ee Qaranka ayaa waxaa ka mid ah musuuliyadihiisa ilaalinta hantida qaranka ee xafiisyada Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha madaxa banaan, maamulada ka jira dowladaha hoose iyo shirkadaha dowladu qayb ku leedahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 

 






Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Hay'adda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa maanta shaacisay in la qabtay nin "ka qaybqaatay" dilkii Maxamed Amiin Sheekh oo horey uga tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir.

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Odayaal iyo waxgarad ku shiray galinkii danbe ee maanta degmada Dhuusa-Mareeb ayaa bilaabay in ay u kala dab-qaadaan dhinacyada isku haya Dhuusa-Mareeb ee Ahlu Sunna Waljameeca iyo dowladda Soomaaliya.

Waxaa Magaaladda Columbus ee gobolka Ohio lagu soo dhaweeyey Xildhibaan Sulaymaan Maxamed Xaashi (Xuub Sireed) ahna Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran dalka Soomaaliya, Xildhibaanka oo baryahaan hadafka xisbiga u sharaxaayey qurbojoogta Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerica,waxuuna hore kulan ugu qabtay Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)- Qoraal goor dhaw ka soo baxay hoggaanka sare ee Ururka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ku soo duushay deegaannada maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre Oo kulan la qaatay wasiir ku-xigeenka Maaliyadda,Guddoonka Baniga Dhexe iyo xisaabiyaha guud

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya ciidamo ka tirsan dowladda kuwa AMISOM Al-Shabaab.

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)- Shirkii 4-aad ee madasha guddiyada Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dowlad-gobolleed ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, kaaso shalay si rasmi ah u furmay.

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in saakay ay halkaa ka degeen diyaarado sida ciidamo iyo sanad militari

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa cambaareeyay dhiggiisa dalka Brazil Jair Bolsonaro, isaga oo sheegay in uu si "qalafsan" uga hadlay marwada koobaad ee Faransiiska.

Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)- Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in ay gabi ahaanba ay joojiyeen qaadista dacwooyinka la xiriira muranka dhulka ee ka dhaxeeya bulshada ku dhaqan deegaannada uu maamulku ka arimiyo

Somali News

8/27/2019 4:24 PM EST
TORONTO — Masai Ujiri could see it in the proud posture of the young female players. It was written in their wide smiles. The Toronto Raptors president was in Mogadishu last week for the last stop.....

8/27/2019 1:29 PM EST
DHUSAMAREB (HOL) - The moderate Islamist group AlhusunnaWalJamaa has declared the deal signed with the Federal Government in July to merge forces dead, accusing Mogadishu of violating terms of the agreement.

8/27/2019 8:18 AM EST
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has completed training of military officers from six regional countries to help stabilize the Horn of Africa nation.

8/27/2019 7:43 AM EST
The European Commission is mobilising $55.9 million for emergency humanitarian funding to help people hit by drought in four countries in the Horn of Africa.

8/27/2019 12:38 AM EST
Turkey marked the 948th anniversary of the Battle of Manzikert (Malazgirt) Monday, which still deeply reverberates in the history of Anatolia and the world.

8/27/2019 12:34 AM EST
Japan hosts development talks with African leaders this week, looking to boost its presence on the continent and offer an alternative to investments by an increasingly assertive China.

8/27/2019 12:28 AM EST
Turkey is trying to gain greater influence in the Arab world—and it’s winning Saudis over with TV dramas and seaside resorts.

8/27/2019 12:18 AM EST
On Tuesday August 20, Abdirahman Mahdi Madey, chairman of the Ogaden National Liberation Front (ONLF), gave a press briefing to local journalists in Addis Abeba regarding the party’s stand on federalism, election, as well as the progress of its registration on becoming a political party . Shortly after that, Abdirahman sat down with our editor Tsedale Lemma for an exclusive interview.
Click here