4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 27, 2019
Xafiiska hantidhowrka guud ee Qaranka oo shirkiisii sanadlaha ka furay magaalada Muqdisho


Talaado, Augusto, 27, 2019 (HOL)-Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa shir soconaya sadex maalmood ka furay magaalada Muqdisho, waxaana shirka ka soo qayb galay maamulada Puntland, Hirshabelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo xubno ka socday maamulka gobolka Banaadir, iyadoona shirka looga xaajooday sidii loo adkayn lahaa xariirka ka dhaxeeya Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka iyo hantidhawrada maamul goboleedyada.

Shirkan oo ah mid sannadle ah ayaa diirada lagu saaray sidii loo adkayn lahaa xiriirka wanaagsan iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa xafiisyada, isla markaan la isku weydaarsan lahaa khibaradaha iyo aqoonta xafiisyada Hantidhawrada.

Gudoomiyaha Hanitidhawrka Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali “Afgooye” ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in la joogteeyo xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysay maamaulada iyo dowladda dhexe si loo hormariyo adeega loo hayo bulshada.

“Ujeedada kulankeenu waa in dhamaan xafiisyadu aqoontooda isweydaarsadaan kalana fa’iidaystaan, marka ay timaado hirgalinta qorshayaasha istiraatiijiyadeed, baaritaanada la sameeyo, gaar ahaan baaristii la sameeyey 2018-kii, horumarka laga sameeyey la qabsiga ku aadan heerka caalamiga ee Hay’adaha Hanti dhawrada ee loo yaqaan (ISSAI) iyo dib u eegista sharcigeena iyo xeerka qaab dhismeedka ee ay ku jirto waajibaadkeena baariseed” ayuu yiri Gudoomiye Maxamed Ali

Sidoo kale Hantidhawraha Guud ee maamulka Galmudug oo madasha ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay “Waxaan cadaynaynaa horayna ugu balanay Hantidhawradu inaysan kala aragti duwanayn hadii ay noqon lahaayeen heer faderaal iyo heer maamul goboleed, waxaan leenahay hal talo, hal aragti iyo hal ujeedo, oo ku salaysan taaba-galinta qaran aan wada leenahay” ayuu yiri Xaashi Osman mohamed

Xafiiska Hantidharka Guud ee Qaranka ayaa waxaa ka mid ah musuuliyadihiisa ilaalinta hantida qaranka ee xafiisyada Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha madaxa banaan, maamulada ka jira dowladaha hoose iyo shirkadaha dowladu qayb ku leedahay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]