3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 13, 2019
Xuutiyiinta oo 'weeraray' garoon ku yaalla Sacuudiga

 

Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL)-Maleeshiyada Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn ku qaaday garoonka Abha ee koonfurta galbeed ee Sacuudiga, ee ku dhow xuduudda Yemen, waxaa sidaas maanta sheegay taleefishinka Al-Masirah ee Xuutiyiinta.

Warbaahinta dowladda Sacuudiga weli kama hadlin weerarkan, islamarkaana saraakiisha Sacuudiga ayaan si deg deg ah jawaab looga heli karin.

Xuutiyiinta oo maamula magaalada caasimadda u ah Yemen ee Sanca iyo deegaanada ku hareereysan ayaa bilihii dhowaa sare u qaday weerarada ay ka fulinayaan bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dalka Sacuudiga.

Ayaga oo taas ka jawaabaya, ayaa isbahaysiga Sacuudiga uu hoggaamiyo ee dagaalka Yemen waxay beegsadeen goobo militari oo ay kooxdan leedahay, gaar ahaan kuwo ku yaalla agagaarka Sanca.

Weeraradan ayaa sii adkaynaya dadaallada nabadeed ee QM ay hoggaamineyso.

Isbahaysiga ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo sidoo kale taageero ka hela reer galbeedka, ayaa faro-geliyey Yemen sanaddii 2015, si ay isugu dayaan inay xukunka kusoo celiyaan dowladda Yemen oo xukunka Sanca ay ka tuureen Xuutiyiinta.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun, wuxuuna malaayiin reer Yemen ah qarka u saaray macluul.

VOA













Click here
8/13/2019 3:27 PM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL)-Shirka wada-tashiga Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Federaalka iyo Dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

8/13/2019 10:48 AM EST
Talaado, August, 13, 2019 (HOL – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan C/laahi Cirro ayaa hadlay kulan ku dhexmaray Sucuudiga weftigii uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland iyo wefti ka socda Soomaaliya oo wasiiro ka kooban, waxaanu madaxweyne Biixi ku eedeeyey inuu isagu samaynayo wixii uu dadka ku caayi jirey.

8/13/2019 6:32 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL)-Magaalada Kismaayo goor dhaw waxaa lagu soo gabagabeeyay dhaarinta xildhibaannada cusub oo ay xalay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

8/13/2019 3:09 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) –Guddi doorasho oo ay magacaabeen musharixiinta xilka madaxweynaha Jubbaland ee isbadal doonka ayaa soo saaray liiska xildhibaanno ay ku sheegeen in ay soo xuleen odayaasha dhaqanka.

8/13/2019 2:13 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) – Magaalada Mina ee dalka Boqortooyada Saudi Arabia kulan is arag ah oo aan horey loo sii qorsheyn ku yeeshay Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo halkaa u wada joogay gudashada Acmaasha Xajka.

8/13/2019 1:54 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) – Magaalada Baydhabo ee xarunta Ku-meel-gaarka u ah magaalada Baydhabo waxaa maalintii shalay gaaray wafdi uu horkacayo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xassan oo lagu wado in uu maanta ka furo halkaa shir wadatashi ah oo u dhaxeeyaWasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada.

8/13/2019 1:40 AM EST
Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) –Musharixiinta xilka madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa qaadacay islamarkaana waxba kama jiraan ku tilmaamay liiska xildhibaannada cusub Jubbaland oo xalay ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.