Liiska xildhibaanno kale oo looga dhawaaqay goor dhaw magaalada Kismaayo

Talaado, Augusto, 13, 2019 (HOL) –Guddi doorasho oo ay magacaabeen musharixiinta xilka madaxweynaha Jubbaland ee isbadal doonka ayaa soo saaray liiska xildhibaanno ay ku sheegeen in ay soo xuleen odayaasha dhaqanka.
Liiskan ay soo saareen ee Xildhibaanada ayaa gaaraya 75 Xildhibaan
waxaana ka muuqda magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan, taasoo ka duwan
liiskii xalay soo baxay oo kaliya ku qornaa magaca xubnaha cusub ee
Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.
Guddiga doorashada uu kol hore magacaabay madaxweynaha Jubbaland Axmed
Madoobe ayaa xalay uga dhawaaqay magaalada Kismaayo xildhibaannada cusub ee
Jubbaland oo ka kooban 73 mudane, waxaana muuqaneya in uu hadda jiro labo garab
[Baarlaamaan] oo isku soo horjeeda.
Hoose ka akhriso Liiska xildhibaannada cusub ee goor dhaw lagu dhawaaqay :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiiraan.com